Wararka
Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in ay dagaalama yaal Al-shabaab ah ku dileen Gobolka Shabeelada hoose.

Sido ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu dilayd dagaalamayaal katirsan Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale.
Dowlada Soomaaliy ayaa shaacisay in howlgalkaasi oo ay ka fuliyeen degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ay ku dileen kudhawaad 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena ay ka qabsadeen Hub iyo rasaas.
Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare ; Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay dhimashada iyo qabsashada hubka ay sheegen in ay ka qabsadeen Alshabaab.
“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. Ayuu yiri taliye Xasan Aadan Xaashi.
Saraakiisha hor ka cayso howlgallada ka socda gobolka Gobolka Shabeelada hoose oo kala ah Gaashaanle; Sare Xasan Aadan Xaashi, Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare; Maxamed Maxamuud (Qataatow), taliyaha Gurmadka 12 April iyo Taliyaha Guutada 1-aad ee qeybta 12 April Gaashaanle Dhexe; Cali Maxamed Nuur oo ku sugan degaannada ay ka socdaan howlgalladaasi ayaa ku bogaadiyay Ciidamada in ay sii laba jibbaaraan howlgalladooda.