Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyay waxyaabihii la’isku raacay kulankii seddex gaysoodka ahaa ee dhacay Talaadadii atgtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo fadhigga Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ka jeediyay khudbadiisa wax qabadka iyo halka ay wax u mariyaan maamulkiisa ayaa ka warbixiyay kulan uu Talaadadii lasoo dhaafay shir guddoomiyay madaxweynaha Masar Abdi- Fatah Al-Asisi sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Afrika kulankaasi oo u dhaxeeyay isaga Madaxweynaha Kenya.
“Waxaan sidoo kale jecelahay inaan idin la wadaago in habeenkii Talaadada, 24-kii September 2019, Madaxweynaha Masar Mudane Siisi oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda uu soo qabanqaabiyay isla markaana shir-guddoomiyay kulan barbar socday Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, oo u dhexeeyay aniga iyo Madaxweynaha Kenya ee Uhuru. Kulanka oo ahaa mid miradhal ah. Ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in kulankaasi intii uu socday la’isku raacay dib loo soo celiyo xiriirkayagii walaaltinimo ee wanaagsanaa iyo in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed.
“ waxa la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkayagii walaaltinimo ee wanaagsanaa iyo in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed. Waxa intaasi dheer inaan isku afgarannay in khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal loo daayo Maxkamadda Caalamiga ah si ay u xalliso. Ayuu sii raaciyay madaxweyne Farmaajo.