Wararka
Soomaaliya oo shir-doceed ku qabanayso Magaalada Geneva.
Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Geneva ee xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobe ku qabanayso shir-doceed ku saabsan dhaqangalinta Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda dadka naafada ah.
Sharcigaana ayaa waxaa 6-da Ogoosto 2019 ansixisay dowlada federaalka Soomaaliya waxaana shirka ka qayb galayso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo DeqaYasin.
Wasiirka ayaa sidoo kale xalay kulan la qaadatay Gudoomiyaha Gudiga CRC kulankaasi oo la xiriira gudbinta Warbixinta Billowga ah kaas oo ku saabsan dib u eegista warbixinta iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee wadahadallada gudiga khuburad xaquuqda caruurta.