Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulankiisi ugu horeeyay la qaatay madaxweynaha dalka Maraykanka.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Madaxweyne Farmaajo waxaa kulankaasi ku wehlinaayay Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin halka madaxweyne Trump ay garabkiisa aheyd Marwada Koowaad ee dalkaasi Marwo Malinia Trump.
Kulankaan ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.
Dowlada Maraykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka caawiyo dhanka Amniga, dhaqaalaha dhismaha ciidamada iyo howl gallada gaarka ah oo ay garab ku siyaan ciidamada Soomaaliya ee hadda howlgalada kawada dalka.