Wararka
Muqdisho oo maanta laga daah furay shirka Xog wadaaga iyo dhaqangelinta bayaanka badqabka dugsiyada.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta magaalada muqdisho ka daah furay shirka Xog wadaaga iyo dhaqangelinta bayaanka badqabka dugsiyada kaas oo ay ka soo qeyb-galeen wasaaradaha dowlada iyo kuwa maamul gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada xukuumadda Federaalka Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa shegay in shirkani ahmiyad gooni ah u leeyahay badqabka carruurta Soomaaliyeed.
“Waxaan maanta magaalada muqdisho ka daah furay shirka Xog wadaaga iyo dhaqangelinta bayaanka badqabka dugsiyada kaas oo ay ka soo qeyb-galeen wasaaradaha dowlada iyo kuwa maamul gobaleedyada. Runtii waa maalin muhiim ah oo aan kaga hadleyno badqabka ama amniga iskuullada.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijyada nuucaan oo kale ah islamarkana lagu bad baadinayo carruurta Soomaaliyeed ay soo dhaweyniyaan waxaa uuna intaasi ku daray in wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare dalka ka go,an tahay in laga wada shaqeeyo sidii marwalba loo badbaadin lahaa carruurta Soomaaliyeed.