Wararka
Donald Trump oo cadeeyay in uusan wax kulan ah la qaadan doonin madaxda Iiran.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in uusan wax kulan doceed ah la qaadan doonin masuuliyiinta Iiran ee ka qayb galayso kulanka Qaramada Midoobe ee barito ka furmi doona dalka Maraykanka.
Dowlada Maraykanka ayaa ciidamo Militari ah oo dheerad ah gaysay dalalka Sacuudiga iyo Imaaradka sida laga soo xigaty aqalka Pentagon habeenkii Jimcaha.
Arrinkaan ayaa imaaniya iyadoo Asbuucii tagay weerar loo gaystay gaalimo shidaal oo ay leedahay dowlada Sacuudiga taas oo ay dowlada Maraykanka ku eedeeysay in ay masuuliyadda weerarkaasi leedahay dowlada Iiran balse xukuumada Tehran ayaa eedentaasi iska dheeraysay.
Madaxweynaha dalka Iiran oo jawaab ka bixiyay ciidamada uu Maraykanka gaynaayo gacanka carbeed ayaa sheegay in ficilkaasi uu sahli karro dagaal dhaliyo qasaare.