Wararka

Wafdi uu horkacaayo Wasiirka Wasaarada Caddaalada Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Xudur.

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Maxamed Xuseen Xasan Iyo Wafdi uu Hogaaminayey ayaa maanta gaarey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa u tagay Magalaada xudur si uu ugu kuur gallo iyo in uu kormeer ku sameeyo Laaamaha Garsoorka Degmada Xudur fulinta tababaro kor loogu qaadayo Xirfada Shaqalaaha wasaarada iyo kulamo wadatashi ee uu la qaadanayo Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku sugan degmada Xudur.

Wasiir maxamed Xuseen Xasan iyo Wafdigiisa waxa ay maalmo shaqo ku qaadan doonaan Magaalo Madaxda Gobolka Bakool iyadoo lafilayo sidoo kale inta ay xudur jogaan in ay kusoo biiraan wafdi ka socda Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Dowlada Federaalka iyo Saraakiil Ka Socota hay,adaha ka shaqeeya arimaha Garsoorka.

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close