Wararka
Shirweynihii Labaad qaranka Ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo Maanta Ka Furmey Magaalada Baydhabo .
Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka furmay Shirweynihii Labaad Ee Xeer Ilaaliyaasha qaranka Soomaaliyeed kaas oo socon doona muddo seddex maalin ah waxaana ka qayb galay Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya , Hay’adaha Garsoorka Dalka, Taliyaha Ciidanka Boliska Degmada Baydhabo, Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Iyo Kan KG iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka .
Shirka ayaa intii uu socday Waxaa halkaasi ka hadley Qaar Ka Mid ah Xeer Ilaliyaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed , Hiir-Shabeelle , Puntland, Galmudug, Jubbaland Iyagoona Dhamantooda Si weyn usoo dhaweeyay Shirkan waxaa ayna rajo wanagsan ka muujiyeen In Qodobo Badani ka soo bixi Doonan oo lagu heshiiyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahmed Ali Muuse , oo Madasha Shirka Ka hadley ayaa waxaa uu shegay In Hay’adaha garsooka KGs ay Ubahan Yihiin in Gacan laga siiyo Tayeenta Iyo Tababarada.
Xeer Ilaaliyah Guud Ee qaranka Dr. Ahmed Ali Daahir ayaa Faafahiyaay Qadobada Looga Hadli Doono Mudada Seddaxda maalin ee uu kulankaasi socdo.
Ugu danbayn Guddomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed , oo Si Rasmi ah Ufurey Shirka , ayaa Dhammaan Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed Iyo Hay’adaha garsooka kula dar daramey in Shirkan Qodobo Mari dhal ah ka soo saraan si uu udhismo Garsoorka Dalka.