Wararka
Dowlada Soomaaliya oo soo dhawaysay dagaalka ay shacabka ku dhaqan qaar kamid ah gobolada dalka kula jiran Al-shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay go’aan ay sheegeen in ay qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool kuwaas oo ay sheegeen in ay wadaan kacdoon ay kaga soo horjeedaan Al-shabaab.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay kacdoonada kale ee iyaguna ka soconaayo gobolada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan waxaana shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowlada Federaalka ah.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamaystiran: SI AAD U AKHRISATO RIIX LIFAAQAAN HOOSE: WAR SAXAAFADEED (21)