Wararka
Madaxweyne Farmaajo “Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.
Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka ee Villa Soomaaliya oo ay ka qayb galeen wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka ayaa waxaa aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu horeen waxaa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo qayb qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Musuq-maasuqa kaliya uusan aheen in lacag la xado balse in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah ay tahay Musuq.
”Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.