Wararka

Wasiirru dowlaha wasaaradda waxbarashada oo xarunta wasaradda ku qaabilay 10-kii arday ee ugu horeeyay Imtixaankii sanadkan.

Wasiirru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir ayaa maanta Xarunta wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare, kulan kula qaatay 10kii arday ee kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir Wasiirru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in ardaydaan ay ay muujiyeen karti iyo dadaal, taas oo horseeday in ay maanta yimadaan xarunta wasaaradda waxaa uuna balan qaaday in ardaydaan ay heli doonaad deeq waxbarasha ah oo waliba la geen doona dalka ay ayagu dooqdaan.

“Waxaan maanta kullan kula qaatay Xarunta wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee XFS,10kii arday ee kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 ardaydu waxa ay muujiyeen karti ,dadaal, taas oo horseeday in ay maanta halkaan ay Soogaaraan ka wasaarad ahaan waxaan u balan qaadnay ardayda in ay helayaan deeq waxbarasho dalka dibadiisa ah iyo waliba wadamada ay doortaan ardayda”. Ayuu yiri Wasiirru dowlaha wasaaradda waxbarashada.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, people eating, table and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close