Wararka

Wasiir Bayle oo ka hadlay Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdirahmaan Ducaale Bayle ayaa maanta markale ka hadlay shirkii uu hay’adda IMF-ta kula yeeshay magaalada Adis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4) uu guul ugu soo dhamaaday waxaa uuna intaasi raaciyay in guushaani ay ka danbeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan Bulshada la wadaagay in aan guul muhiim ah ka soo gaarnay Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4). Guusha iyo Horumarka waxaa u fure ah midnimada, wadajirka iyo in aan wax wada qabsano, taas ayaan baraare iyo wanaag ku gaari karnaa”.ayuu yiri wasiir Bayle.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close