Wararka
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka iyo wafdi uu horkacaayo oo gaaray Baydhabo.
Wafdigaan uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka ,ayaa gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay, waxaa Qeyb ka ahaa Xeer Ilaaliyah Guud Ee qaranka,Waxana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo Kusoo dhaweyay Wasiiro,Xildhibaano,Iyo Guddomiyaha Maxkamada Sare Ee koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfu Galbeed gaaray Wafuuda kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ,oo Maalinta Barita ah Shir Uga Furmi doona Baydhabo,
Mohamed Sheekh Cusmaan Oo Ah Xeer Ilaaliyah Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland ayaa sheegay in uu aad ugu Farsanyahay Imaasha Baydhabo,uuna ka qeyb gali doono Shirka Xeer Ilaaliyaha Dalka oo halkan lagu qaban doono.
Guddoomiyaha Maxkamadad Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahmed Ali Muuse ,oo ugu horeen halkaasi ka hadaley ayaa wafdiga uu hogaaminaayo Guddomiayaha Maxakadda sare Ee Dalka Baydhabo ku soo dhaweyay.
Dr.Ahmed Ali Daahir ,Xeer ilaaliyah Guud Ee qaranka Ayaa ka warbixiyay Ujeedada Baydhabo usoo gaareen isagoona si rasmi ah ushaaciyay In Bari Shirka xeer Ilaaliyasha Dalka Baydhabo uga furi Doono.
Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed ,ayaa Mas’uulyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugu Mahadceliyay Sida Wanaagsan Ay Baydhabo ugu soo dhaweyeen.
Bari aya lagu wada in Baydhabo uu ka Furmo Shir ay isugu imaan doonan Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Fedaraalka Soomaaliyaa ,iyo Dowladda dhex Kaasi oo socon doona Muddo Seddax Maalin ah.