Wararka

Duca Muqdisho oo xariga ka jaray xarunta dabi barista Booliiska Soomaaliyeed ee C.I.D.

Guddoomiyaha Maxkamada Saree e dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarunta dabi barista Booliiska Soomaaliyeed ee C.I.D taas oo dib-uhabeyn xoogan lagu sameeyay kadib cabashooyin taliska booliiska uga yimid shacabka.

Masuuliyiintan iyo saraakiisha ciidamada waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay iyo goobaha dib-habeynta lagu sameeyay waxaana warbixin ku saabsan howlaha ay fuliso C.I.D ka dhageestay taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kormeerka kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha qaranka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir ayaa kamid ahaa masuuliyiinta ka hadlay madasha.

Wasiir dowlaha wasaarada Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim waxa uu ka hadlay muhiimada ay qaranka iyo bulshada u lee dahay C.I.D.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in barista danbiyada kala duwan ay u baahan tahay cilmi iyo cadaalad.

Guddoomiyaha maxkamada saree e dalka Baashe Yuusuf Axmed waxa uu bogaadiyay hoosha adag uu taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ka qabtay xarunta danbi barista C.I.D.Image may contain: 8 people, people standing and suitImage may contain: 7 peopleImage may contain: 9 people, people standing, suit, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close