Wararka
Wasiir Bayle oo kormeer ku tagay xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya DR. Abdirahmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta waxaa uuna halkaasi kula kulmay guddiga qorista Afka Soomaaliga.
Wasiir Bayle ayaa sheegay in isaga iyo guddiga qorista Afka Soomaaliga ay maanta kulankooda ugu wada hadleen hagaajinta iyo turxaanbixinta Farta Soomaaliga.
Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay uu Afka Soomaaliga sii taya beelaayay ruux kastana uu sidoo doona u isticmaalayay waxaa uuna intaasi ku daray Afka Soomaaliyeed in uu yahay hidaha iyo dhaxalkii awoowe yaasheen.
“Maanta waxaan kormeer ku tagay Xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Waxaan halkaa kula kulmay guddiga qorista Afka Soomaaliga oo aan ka wada hadalnay hagaajinta iyo turxaanbixinta Farta Soomaaliga taa soo muddooyinkii la soo dhaafay qofba sidiii uu doono u isticmaalayay.Afka Soomaaliyeed waa hidaha iyo dhaxalkii awoowe yaasheen, waana in aan ku dadaalnaa dhaxalkaas in aan ilaashano” ayuu yiri wasiir Bayle.