Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddigii dib u heshiisinta Galmudug.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajoo oo ku sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawo kulan la qaatay Guddigii din u heshiisinta beelaha wada dago Galmudug.
Madaxweynaha ayaa guddiga ugu mahadceliyay hannaankii wanaagsanaa ee ay ku hageen gogoshii nabadda iyo dib u heshiisiinta oo muddo laba bilood ah loogu fadhiyey magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay soo xiray shirkii dib u heshiisiineed halkaas oo uu shahaado sharaf ku guddoonsiiyay madaxda Galmudug iyo Guddoomiayaha guddiga dib u heshiisinta Galmudug.