Wararka
Wasiir Bayle oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya DR. Abdirahman Ducale Bayle ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiin kasocotay dowlada Ingiriiska oo uu hoggaaminaayay safiirka Boqortooyada Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb. Ben Fender.
Wasir Bayle iyo masuuliyiinta kasocotay dowlada Ingiriiska ayaa kawada hadlay halka ay marayso xaaladda dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya waxaa ayna isku raaceen in dowlaa UK ay sii laba jibaarta dadaalada ay la garab taagantahay shacabka iyo dowlada Soomaaliya.
Sido kale wasiirka iyo safiirka UK waxaa ay kawada hadleen sidii gacan looga siin lahaa dowlada Soomaaliya arrimaha deen cafinta oo hadda meel wanagsan maraayo.