Wararka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shir looga hadlayo siyaasadda Qaran ee daryeelka bulshada.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka daahfuray shir looga hadlayo siyaasadda Qaran ee daryeelka bulshada.
Daahfurka shirkaani ayaa waxaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ku wehlinaayay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa, wasiirro iyo wakiillo kasocday dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo xubno ka socda beesha caalamka.
wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo kulanka ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay shirkaan waxaa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay aad ugu faraxsantahay kulankaan.
Kulankaan ayaa ah mid ahmiyad gooni ah u leh caruurta yar yar iyo dadka da’da ah waxaa uu sidoo kale shaqa abuur u samayn doonaa dhalinyarada Soomaaliyeed taas oo yareen karto saboolnimada dalka ka jirta.