Wararka
Xildhibano ka tirsan aqalka Congress Maraykanka oo warqad u diray safaradaha Hindiya iyo Pakistan.
Waxaa ku dhawaad afartan (40) maalin kasoo wareegatay markii dowlada Hindiya ay xaalada deg dega ah galisay gobolka ay muslimiinta u badan yihiin ee kashmir oo ay jarta dhamaan Isgaarsiintii Gobolkaas waxaana jiray in dowlada Hindiya ay gobolka Kashmir gaysay ciidama dheerad ah.
Ciidamada militariga ah ee dowlada Hindiya gaysay gobolkaas ayaa lagu eedeeyay in ay ku xad gudbeen xaquuqda aadanaha iyagoo si xun ula dhaqmay dadka muslimiinta laga tirada badan yahay ee daga gobolka kashmir dhanka dowlada Hindiya maamusha.
Lix xildhibaan oo ay uguvhoreyso Xildhibaanad Ilhan cumar ayaa war qad waxaa ay u direen safiiradda dowladaha Hindiya iyo Pakistan iyagoo ka codsadayvib xalada la qaboojiya lagana foojignaada xaaladaha dacadiga ah ee ciidamada gaysanayaan.