Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kulan la qaatay safiirka Dowlada Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.
Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa waxaa uu ku booqday Safiirka Dalka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.
Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan laqaatay safiirka turkiga u jooga Soomaaliya waxaa ayna labadaan masuul kawada hadleen Xoojinta Mashaariicda Kala Duwan ee Lagu Horumarinaayo Bilicda Caasimadda Gaar ahaan Dib-udhiska Lagu Sameynaayow Wadooyinka Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa ugu danbeyn u mahad celiyay safiirka dowlada Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz dadaalka uu Turkiga ku bixinaayo dib u soo kabashada dalka iyo waliba mashaaricda kala diwan ee Turkiga ka fuliya caasimada oo ay ugu horayso dhismayaasha qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.