Wararka
Wasaaradda arrimaha Dastuurka iyo labada Hay’addood ee u xilsaaran dhamaystirka Dastuurka oo kulan wada qaatay.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Banbax-howleed (Retreat) wadajir ah oo u dhexeeya seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.
Kulanka dhex maray seddexdaan hay’addood ayaa ahaa mid looga arrinsanaayay arrimaha horutabinta u leh dhameeystirka dastuurka waxaana kulanka ka hadlay wasiirka arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac waxaa uuna sheegay in hay’addahaani ay dhamaantot ay ka go’antahay sidii ay u dhamaystiri lahayeen Dastuurka dalka.
“waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka” ayuu yiri wasiir Saalax.
Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan.
Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa.
Seddexdaan hay’addood oo kala ah; wasaaradda arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta dastuurka ayaa gaba gabada Kulankaan oo socon doono muddo seddex maalin ah, waxaa ay ka soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono.