Wararka
Madaxweyne Deni oo daahfuray Shirka Maalgashiga Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka Maalgashiga Puntland waxaana daahfurka shirka ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa si wada jir ah u kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka.
Shirkaan ayaa socondoona laba maalin waxaana lasoo gaba gabeen doonaa 17, Sep, 2019 waxaana lagu soo bandhigayaa wax soo saarka Puntland.