Wararka
Safiirka Cusub ee Soomaaliya oo laga guddoomay Noqol kamid ah waraaqadihiisa aqoonsiga danjirenimo.
Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Maraykanka, Amb. Cali Shariif Axmed ayaa qaar kamid ah waraaqadihiisa aqoonsiga geeysta wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka waxaana halkaasi looga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga.
Kadib markii uu tagay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka, Amb. Cali Shariif Axmed waxaa war-qadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxa Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Mary-Kate Fisher.
Amb. Cali Shariif ayaa baddalay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay maraykanka Amb. Axmed Ciise Cawad oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.Tan iyo sanadkii 2018-ka. Ayaan wax safiir ah u joogin Soomaaliya dalka Maraykanka.
Amb. Cali Shariif ayaa horay u soo maray safiirnimo waxaana hadda laga soo badalay dalka Itoobiya oo uu Soomaaliya u fadhiyay sidoo kale horay ayuu u soo noqday danjirihii Soomaaliya u joogay dalka Faransiiska sanadkii 2016-kii