Wararka
Madaxweyne Bixi oo kormeer ku tagay Mashaariicda Wax Soo Saarka Beeraha ee Banka Wajaale Ka Socda.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku welinaayay wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, waxaa ayna soo indho-indheeyeyn mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale.
Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.
Madaxweynaha waxaa halka ay waxmarayaan ugu warbixiyay masuuliyiinta gacanta ku hayso mashaariicdaan oo lagu beriyo dalag ay dadka reer Somaliland anfac galiyo.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay sii libin-laabaan dedaalkooda dhinaca wax soo saarka, isaga oo rejo wanaagsanna ka muujiyey in midhaha ka dhasha mashaariicdaasi ay sannadkan wax weyn ka dari doonaan baahida cunto ee ka jiro Somaliland.
“Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo” ayuu yiri Muuse Bixi.