Wararka
Dowlada oo ka jawaabtay in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii garoonka Muqdisho Stadium.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka Kubadda cagta ee Mugdisho stadium oo uu dhismaha ku socdo ayaa ka warbixiyay warar sheegayo in la joojiyay shaqadii kasocotay garoonka.
Wasiir Maareeye ayaa warkaasi ku timaamay mid Been Abuur ah oo lagu buun buuniyay Al-shabaab waxaa uuna balan qaaday in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan warbaahintii tabisay warkaasi.
Wasiirka waxaa socdaalkaasi ku wehlinaayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Mohamed Guuleed Khadar,wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga marwo Khadijo Mohamed Diriye, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo masuuliyiin kale.