Wararka
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kumanaan shaacb ah kula hadlay Baydhabo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Kumanaan shacab ah kula hadlay Garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub waxaa uuna u mahadceliyay shacabka reer Koonfur galbeed soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa u sameeyeen.
Ra’iisal wasaare Khayre waxaa madashaasi ku wehlinaayay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale waxaa uuna amaan Ballaaran u soo jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in inta uu kusugan yahay dowlad Goboleedka Koonfur galbeed uu kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta ugu sarayso maamulka Koonfur Galbeed isagoo kala hadli doona horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.