Wararka

Xubinimadii dalka Suudan ee dhanka Qaaradda Africa oo dib loo soo celiyay.

Midowga Afrika  ayaa laalay xayiraaddii lasaaray ubinimada dalka Suudaan ee dhanka Qaaradda,ka dib markii la soo afjaray 3-bilood oo khalalaaso siyaasadeed oo ka taagneed dalkaasi isla markana la dhisay dowlad ay hoggaanka u hayaan rayidka.

Go’aankaan oo lagu dhawaaqay maalinimadii shalay ayaa yimid  ka gadaal markii R/wasaaraha cusub Abdalla Hamdo uu dhisay Golihii Wasiirada,taas oo qeyb ka ah 3-sano oo ku meel gaar ah oo ay awoodda wada qeybsanayaan ciidamada iyo kooxihii waday kacdoonka rayidka.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Suudaan ayaa go’aankaasi ay gaareen Midowga Afrika ku tilmaantay tallaabo loo qaaday horumarka dalka Suudaan wuxuuna yiri Wasiirku “waa muhiim inaan dib-u-xaqiijinno ballan-qaadkeenna ah yoolalka iyo ujeeddooyinka Midowga Afrika.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close