Wararka

Turkiga oo sharci cusub kusoo rogay warbaahinta qaabka Online-ka ah wax u tabiso.

Dalka Turkiga waxaa sharciyo cusub lagu soo rogay war-baahinada casriga ah ee wararka iyo warbixinada ku tabiyo qaabka Online ka ah.

Dowlada Turkiga ayaa asbuucaan bilabayso in ay lasocota wax walbo oo ay gudbiniyaan warbaahinadaas qaabka Online ka ah wax ku tabiyo iyagoo la maxkamadeen doona kuwa lagu qabta in ay sameeyaan wax sharcigaas hasoo horjeeda.

Hay’ad Hoostagto madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo la yirahdo RTUK ayaa loo xilsaaray korjoogteenta wararka iyo warbixinada ay gudbiyaan warbaahinta ku shaqeyso qaabka Online ka ah.

Warbaahinadaan ayaa ugu horeeyn waxaa lagu xujeeyay in aqoonsi (license) ay ka jartaan hay’ada RTUK oo u xilsaaran kor-joogteen-tooda waxaana looga baahan yahay in sanadkiiba ay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo Lira ah taas oo u dhiganta 2,000 oo doolarka Maraykanka ah, waa warbaahinta qaybta radiyaha ah ee qaabkaasi Online ka ah ku shaqayso halka tan muuq baahiyaha camal u shaqayso ay bixin doonta sanadkiiba lacag gaarayso 100,000 oo lira ah taas oo u dhiganta 20,000 oo dollarka maraykanka ah.

Dalka Turkiga ayaa waxaa mar horeba laga saray hawada muuq-baahiyayaal iyo maqal baahiya yaal gaaraayo ilaa 200,000 taas oo dalka Turkiga ka dhigayso in uu rabo in uu ku biiro dalalka ay gacantooda ku jirto awoodda Isticmaalka Internet-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close