Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Xarigga Ka Jaray Xarunta DhallinyaradaTilmaame.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhallinyarada iyo cilmi baadhista ee Tilmaame, taas oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ,Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo Wakiil ka socda Dowladda Finland ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay.

Ujeedka xaruntaani loo dhisay ayaa lagu sheeegay in dhalinyarada loogu caawin lahaa, sida la talinta caafimaadka, farsamada gacanta, akhriska, shaqo abuurka, wacyigelinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada ku dhaqan Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xarigga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismahan dhallinyarada Puntland loogu adeegayo, gaar ahaanna Wasasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda UNFPA.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku booriyey Wasaaradda iyo Hay’addaha ka qayb qaatay dhismeheeda in xarumahan oo kale ay ka hirgeliyaan magaalooyinka kale ee Puntland, si dhallinyarada Puntland meelkasta oo ay dalka ka joogaan u helaan fursaddan oo kale.Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 9 people, people standing and indoorImage may contain: 9 people, people standing and indoorImage may contain: 10 people, people sitting, shoes, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close