Wararka
Taliyaha cusub ee Asluubta oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa manta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha,saraakil xigeenada iyo guud ahaan Ciidanka Asluubta.
Kulankasi waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha amniga, xanaaneynta , ka war qabidda maxaabista iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqo maalmeedka.
Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil ,saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta ,isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka.
Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta waxa uu manta Kormeeray xafiisyada ay ku shaqeyaan saraakiisha Ciidanka Asluubta.