Wararka
(DAAWO): Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug oo 4- bisha September 2019 furmi doona.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Eng; Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa caddeeyay in September 04,2019 uu furmayo shir-weynaha dib -u-heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug kaas oo ay aayahooda uga tashanayaan.
Eng; Cabdi Maxamed Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha si reer Galmudug ay ugu diyaar garoobaan dhismaha dowlad gobaleed dhameys ah oo ka shaqeyna danahooda.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.
haddaba lifaaqaan hoose riix si aad u dhagaysto hadalka Wasiirka arrimaha gudaha.