Wararka
Shan ruux oo ku dhimatay toogasha ka dhacday Gobolka Texas ee dalka Maraykanka.
Ugu yaraan shan ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar lagu qaaday dad ku nool gobolka Texas ee dalkaasi Maraykanka waxaana sidoo kale weerarkaa ku dhaawacmay illaa 21-ruux oo kale.
Taliyaha Booliska magaalada Odessa, Michael Gerke ayaa weerarkaa ku timaamay mid waxuushnima ah oo lagu la kacay dad aan waxba galabsan waxaa uuna xaqiijiyay in ninkaas oo ahaa caddaan ay doogasha ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado.
Booliska ayaan wax faahfaahin ah oo ku aadan magaca iyo xaalada caafimaad ee uu ku sugnaa ruuxa weerarka soo qaaday bixin waxaa uuna weerarkaan kusoo aadiyaa iyadoo horaantii bishaan agoosto uu weerar noocaan oo kale ah ka dhacay gobolada El Paso, Texas iyo Walma.