Wararka
Gen. Zakia Hussen oo ka hadashay xariga wasiirka amniga Jubbaland C/Rashiid Janan.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Zakia Hussen ayaa ka hadashay xarig shalay oo ay taarikhda ku beegneed 31/08/2019 loo gaystay wasirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland C/Rashiid Xassan Nuur.
Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in C/Rashiid Xassan Nuur loo haysto damniya culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha waxaa ayna intaasi ku dartay in ay hadda baaritaanka Kiiskiisa ay gacanta ku hayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Gen. Zakia Hussen oo barteeda tweeter-ka soo dhigtay war qoraal ah ayaa u qornaa sida tan”Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska”.