Wararka
Golaha Wasiiradda oo taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee ku aadanaa Doorashadii Jubbaland.
Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka oo kulankoodi khamiis laha ahaa ku yeeshay caasimada dalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo.
Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.
Ra’iisal wasaarahada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulanka shir guddoomiyay waxaana kulanka intii uu socday diiradda lagu saaray xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.