Wararka

Wasiir Sabriye oo sheegay in wasaaraddiisa ay  si caddaalad leh ay u gudaneyso mas’uuliyadda ka saran shir weynaha dib u- heshiisiinta Galmudug.     

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la qaatay ganacsatada magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay qorshaha furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, ee loogu diyaar garoobayo dhisamaha Galmudug loo dhanyahay.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in shirka inta uu socdo si wayn looga wada xaajoon doono dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si dhammaan reer Galmudug ay u helaan adeegyada dowladeed ee ay u baahanyihiin ayna ula tartamaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si caddaalad leh ay u gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ka mira dhalinta shirka iyo dhammaan howlaha la xariira dhidibba u taagidda  Galmudug Dhammeys tiran.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close