Wararka

Madaxweynaha dalka oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) waxaa uuna soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidookale ka hadlay doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiye Axmed ayaa kulankaas si wadajir ah u  shir guddoomiyay  waxaana ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka, Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Ereteriya Cusmaan Saalix, Kenya Marwo Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close