Wararka
Jubbaland oo sheegtay in ay xayiraaddii saarneed dowlada dhexe ay ka qaadeen.
Kulan ay yeesheen Golaha wasiiradda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta dib loogu soo celiyay wadashaqeyntii ka dhaxaysay dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa sheegay in ay xayiraaddii saarneed dowlada dhexe ay ka qaadeen waxaana shirka Golaha wasiiradda shir guddoomiyay madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islam.
Golaha wasiiradda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa horaan sheegay in ay xayiraad saareen dhamaan masuuliyiinta ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya kuwaas oo qaar kood la sheegay in ay jeclaayeen in ay kamid noqdaan musharaxiintii dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kismayo oo ay ka dhacday doorasha muran badan dhalisay ayaa hadda waxaa madaxweyna ka ah seddex ruux oo ku kasto isaga sheegtay madaxweyne in uu ka yahay Jubbaland balse waxaa taa kasoo hor jeystay dowlada federaalka oo sheegtay in aysan aqoonsaneen dhamaan shaqsiyaadkii lagu dortay Kismayo.