Ciyaaraha

Tababare Frank Lampard oo kahadlay xidig kooxda dhaawac uga maqan.

Tababaraha kooxda Chelsea ee frank lampard ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xidiga khadka dhexe kooxdiisa ee N’golo kante kaas oo dhaawac ka bixi la, tan ilaa dhamaadkii xili ciyaareedkii hore hogaamiyaha kooxda Chelsea frank lampard ayaa rajaynaya in uu N’Golo kante dhaawaca ka boxo kadib fasaxa xulalka oo todobaadyada soo socdo la, aadi doono

Frank lampard ayaa sheegay in uu N’ Golo  kante ku soo laabanayo taam ahaansho buuxana heli doono laakiin  sheegay in uuna kula soo dag-dagi  doonin garoomada kante ayaa seegay kulankii Chelsea 3/2 uga badisay kooxda Norwich city xili uu lampard gaadhay guushiisii ugu horaysay ee Chelsea ee horyaalka premier league.

Xidiga ayaan sidoo kale la filayn in uu ciyaaro kulanka ay Chelsea sabtida marti galin doonto kooxda Sheffield united halka sidoo kale aan la filayn in uu ka qayb noqdo xulka qaranka france ee kulamada caalamiga ah ka hor inta uuna soo laaban kulanka ay wolves la ciyaari doonaan 14ka bisha September“waa mid adag xaalada N’Golo kante  sababta oo ah waxa uu si joogto ah u ciyaarayay 4sano “ ayuu lampard yidhi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close