Wararka

Shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD oo looga hadlay arrima badan.

Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis,ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya,kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan.

Wasiirada ayaa si qota dheer u girfeeyay geedi socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan oo in muddo ah xiisado siyaasadeed ay ka taagnaayeen,iyagoo soo saaray baaqyo ku aadan sidi loo xoojin lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Shirkaan oo ahaa mid intiisa badan looga hadlaayay xaaladaha Kasoo cosboonaaday waddamada ku baheysan Urur Goboleedkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray  arrimaha Koonfurta Suudaan.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya looga taageeri lahaa dib u soo kabashada dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u matalayay shirkaasi ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale shirka wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD waxaa loogu hambalyeyeey Golaha hoggaanka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan sida ay ugu guuleysteen dhismaha dowlad wadaag ah,si looga gudbo marxaladda adag ee uu marayo dalkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close