Wararka
Dowlada Soomaaliya oo walaac ka muujisay arrimaha ka taagan Kismayo xili aysan aqoonsan dorashadii maanta lagu doortay laba madaxweyne.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay doorashooyinkii maantabka dhacay dowlad goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda ayaa cadeysay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.
dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka sida ay sheegtay baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.
Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka: