Wararka
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada hidaha & Tacliinta sare oo Jaamacadaha dalka Ka codsaday in ay deeqa waxbarasha siiyaan ardayda cusub.
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada hidaha & Tacliinta sare ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarshada ay kordhin doonto mushaaradka macalimiinta dhigta dugsiyadda dowladda ay maamusho sanadka 2020 taasi oo uu ku micneeyay in macalinka uu maqaam weyn kaga jiro bulshada.
Faysal Cumar Guuleed, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada hidaha & Tacliinta sare ayaa Jamacadaha dalka ku yaala ugu baaqay in ay deeq waxbarashi siyaaan ardayda sanadkan gashay Imtixaanka shahaadiga dowladda isagoo intaa siiraaciyay in dhamaanba Jaamacada dalka ay heystaan liiska ardayda u fariisatay Imtixaanka shahaadiga dowladda ee sanad dugsiyeedka 2018/2019.
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada hidaha & Tacliinta sare ee xukuumada ayaa ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay yeeshaan aragti dheer (vision) oo ay ku dhiiradaan in ay bartaan Kulliyadda waxbarashada isagoo ku eedeeyay in intabadan ardayda codsata deeqaha waxbarashada ay dalbadaan kuliyadaha Injineeriyada iyo caafimaadka.