Wararka

Seddexdii nin ee ku eedeysnaa  kufsiga, dilka iyo afduubkii loo gaystay Caasho Ilyaas Aadan oo lagu xukumay dil doogaasha ah.

Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa dil-toogasho ku xukuntay saddexdii nin ee kufsiga,dilka iyo afduubka u gaystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 sanno jira ah.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa go’aankoodii ku raacday Maxkamaddaha darajada koowaad iyo Racfaanka ee gobolka Nugaal oo saddexdaan nin horay ugu xukumay dil-toogasho oo Dowladdu fulinayso.

Seddexda nin eemaanta ay  Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka  Puntland xukunka dilka ah ku ridday ayaa kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Digge.

Seddexdaan nin ayaa sida lasheegay waxaa ay kufsiga,dilka iyo afduubka u gaysteen Caasho Ilyaas Aadan oo 12-sano jir aheyd horaantii bishii February ee sanadkan xili ay u baxday adeeg ay u raadisay hooyadeed waxaana Maydkeeda la helay 24-saac kadib xili aroorya ah waxaana laga helay meel duleedka Magaalada Galkacyo ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close