Wararka
(MUGDISHO): Bandhigga Carwada Buugagta Mugdisho ee MBF2019 oo maalinkii 2-aad gashay iyo masuuliyiin ka qayb gashay.
Waxaa maalinkii labaad galay bandhigga Buugagta ee Mugdhisho Book fair 2019 waxaana maanta qodobka dooda uu ku saabsan yahay helitaanka fursadaha waxbarasho ee dalka.
xarunta cilmi baarista Heritage oo munaasabada qayb ka aheyd ayaa sheegaty in 44 Jaamacad ay dalka ka jiraan waxaa ayna intaas raacisay in celcelis sanad walba iska qora in ka badan 50,000 oo arday.
Masuuliyiin kasocotay Jaamacadda umada iyo Aqoonyahanno kale ayaa iyaguna Marti ku ahaa Bandhigga waxaana dadkaas kamid ahaa;Masuuliyiin kasocotay Jaamacadda umada iyo Aqoonyahanno kale ayaa iyaguna Marti ku ahaa Bandhigga Carwada Bugagta ee MBF2019 waxaana dadkaas kamid ahaa; Fowsiyo Warsame oo ah hormuudka kuliyadda waxbarashada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Dr. Hodan Cisman Agaasimaha Xarunta Daraasaadka ee Bariga Afrika iyo Prof. Cabdullaahi Bariise oo ah gudoomiyaha Jaamacadda City ee Muqdisho waxaa ayna falanqeeyeen xaaladda tacliinta sare ee dalka.
Sidoo kale bandhiga carwada Buugagta ee Modisho waxaa ka qabgalay Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo halkaasi hadal kooban u jeediyay ka qeyb galayaasha waxaa uuna u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qayb qaadatay bandhiggaan.
“Waxaa aad ii dhiirogeliya marka aan arko dhalinyaro wax qortay, waayoo qoraalku wax aqris buu sitaa, qof waliba ee wax qorayana waxa uu sameeynayaa aqris inta aanu wax qorin” ayuu yidhi Xasan Sheekh.