Wararka
(Jubbaland):Tirinta codadkii ay dhiibten xildhibaanada oo bilaabantay.
Doorashada Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta ka bilaabantay xarunta Daawad, iyadoo ay ku tartamayeen afar musharax madaxweyne balse waxaa iscasilay musharax Maxamed Cumar Geeddi waxaana isku soo haray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Canab Maxamed iyo Maxamuud Maxamed.
Hadda ayaa labilaabay tirinta codadkii ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland waana wareegii koowaad.
Doorashadaan oo muran badan dhalisay ayaa waxaa cabsi ka muujiyay dowlada saaxiibada la ah dowlada federaalka, Beesha caalamka iyo dowlada dhexe oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiija kasto oo kasoo baxdo doorashadaasi.
Dhanka kale waxaa isla kismaayo maanta ka socota doorasha madaxweyne oo ay qabsadeen Golaha Isku magacaabay Isbeddel doon.
Wixii faaf-faahin labada dhinac halkaan kala socoda.