Wararka

Carwada Buugaagta Muqdisho ee 2019 (MBF2019) oo lagu soo bandhigay buugag badan.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka bilawday Carwada Buugaagta Muqdisho (MBF2019) oo sannadkii 5aad qabsoomaysa waxaana ka qaby galay masuuliyiin ka socotay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeya Agaasimada war-faafinta madaxtooyada Cabdi Nuur maxamed iyo Siihayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere).

Sidoo kale bandhiga Buugagta Muqdisho waxaa kasoo qayb galay Qoraayaal, abwaanno, aqoonyahanno  iyo dadka daneeya akhriska kuwaas oo ka kala yimid dalka Gudihiisa iyo dibaddaba waxaana jiray kooxa ayagu soo bandhigaayay waxyaaba badan oo bulshada faa’iido ugu jirta.

Siihayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) ayaa buugaag gudoonsiiyay dhowr magtab oo ka diiwaan gashan qaar kamid ah magaalooyinka dalka waxaa uuna sidoo kale balan qaaday in uu buugaag ugu deeqi doono magtabadyada kala ah Baydhabo, Gurceel, Baladweyne iyo Luuq.

Agaasimaha War-faafinta madaxtooyada Qaranka Cabdi Nuur maxamed oo isaga kamid ahaa dadkii maanta ka qayb galay carwada Buugagta Muqdisho ayaa ka hadlay  sida ay muhiim ugu tahay dadka Soomaaliyeed in warbaahinta ay u soo gudbisa sheekooyinka wanaagsan ee dalka.

Bandhigaan oo socon doona muddo seddex maalin ah ayaa lagu soo bandhigayaa buugag badan oo ay qoreen da’yar Soomaaliyeed waana sannadkii 5aad oo ay Carwada Buugaagta Muqdisho qabsoomayso.ImageImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImageImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close