Wararka

Kudhawaad 20-xisbi oo kulan ku yeeshay Muqdisho oo baaq u diray dhinacyada isku haayo Jubbaland.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka qabsoomay kulanka Xisbiyada dalka oo ay ka qayb galeen kud hawaad 20-xisbi siyaasadeed waxaana looga hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan arinta doorashadda dowlad goboleedka Jubbland oo lagu wado in barito ay ka dhacdo doorashadda madaxweynaha cusub ee Jubbland noqonaya afarta sano ee soo socota.

Xisbiyadda kulanka yeeshay maanta ayaa ugu baaqay dhinacdayad isku haya dowlada goboleedka Jubbland in ay dhowraan madaxbananida, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo in ay ka foggadaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal.

Iskuxiraha xisbiyadda ahna Gudoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuriyadda Soomaaliya  Cali Maxamed Nuux ayaa kulanka kadib waxaa uu saxaafadda u akhriyay qodobadii ay isku raaceen xisbiyada kulanka maanta yeeshay.

Cali Maxamed Nuux Gudoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa ugu danbeyn sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay baaq u direen dhamaan dowladaha daneeyo Soomaaliya, Qaramada midoobe, Urur goboleedka IGAD, Safiirada dowladaha Denmark, Australia Belgium, France, Canada, Italy, Germany, Ireland, U.S.A, UK,Etopia, IYO Kenya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close