Wararka
Kenya oo ku guulaysatay gursiga golaha amaanka Qaramada Midoobe.
Dowlada Kenya ayaa ku guuleysatay musharaxnimada Kursiga golaha amaanka Qaramada Midoobe kadib markii ay ka guulaysatay dowlada Jabuuti.
Wareegii labaad ayay dowlada Kenya cod qarsooni ah oo laqaaday waxaa ay heshay 37 cod halka dowlada Jabuuti ay heshay 13-cod.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxaa dhamaan xaadir ahaa xubnaha matalo dowladaha ka tirsan qaaradda Africa oo ka koobnaa 54 xubnood.
Kursigaan ayaa ahaa mid asbuucyadii tagay lahadal haayay waxaana jiray kulama ay labada dowladoodba ay ku dooniyeen in ay iyagu kusoo baxaan kursigaas oo wakhtigiisa yahay mid sanadla ah.