Wararka

Ibraahim Dheere oo maanta Degmada xamar Jabjab ka daahfuray diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeen arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jaktti) ayaa maanta si rasmi ah xarunta degmada Xamar Jajab ku daahfuray barnaamij uu maamulka degmadaas ku hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.

Barnaamijkaan uu maanta Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka daahfuray Xamar Jajab ayaa ah mid lagu xoojinayo diiwangalinta diriseenta iyo in dhisma kaste oo dagmadaasi ku yaala loo sameeyo diiwaangalin sax ah iyo sidoo kale taargo lagu aqoonsan karo.

Maamulka degmada xamar Jabjab ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin barnaamijkaan xusub waxaa ayna sheegeen in uu wax badan ka badali doona bilicda degmada Xamar Jajab.Image may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 3 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close