Wararka

War-murtiyeed laga soo saaray shir muddo 4-maalin ah Mugdisho ugu socday wasaaraddaha war-faafinta heer federal iyo dowlad goboleed.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir oo muddo 4 maalmood ah kulan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray warmurtiyeed  ka kooban 11 qodob .

Waxaa  maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka lagu soo gaba gabeeyay shirka wada tashiga wasaraadda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir kaas oo socday muddo 4 maalmood.

Shirka wada tashiga wasaaradda warfaafinta dowlada federaalka  iyo dowlada xubnaha ka ah dowlada dhexe ayaa waxaa Gobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Cali Xasan Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Koonfur-Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, hanuunta iyo Dalxiiska Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawa), Wasiirka Warfaafinta, hindaha, dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socota Dowlad Goboleedka Jubaland, Agaasimeyaasha guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta ee Wasaaradaha Warfaafinta, xeel-dheerayaal Warbaahineed  iyo xubno ka socday Bulshada rayidka ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga soo saaray warmurtiyeed  ka kooban 11 qodob kaas oo u qornaa sida tan:

Qodobada Agendaha u ahaa kulanka Wasiiradda ee shirka looga dooday, waxaa ka mid ahaa:

  1. Xoojinta xiriirka wada-shaqeynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad-goboleedyada.
  2. Hirgelinta Istaraatiijiyada Wacyigelinta Qaranka oo hore ay isula sameeyeen dhamaan Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda lagana ansixiyey Golaha Wasiiradda ee DFS.
  3. Dhiirigelinta iyo horumarinta weriyaha iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyo ku wacyigelinta masuuliyadaha ka saaran difaacidda danaha qaranka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. iyo
  4. Ugu dambeyn, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqeynta Wasaaradaha iyo Taageerayaasha caalamiga ah ee Warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada, looguna jeexi lahaa dariiq iyo nidaam wadashaqeyneed oo laysku ogyahay.

Wadatashi dheer oo saddex maalmood qaatay kadib, ka soo qaybgalayashu waxay isku raacen;

  1. Wasiiradu waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo isku xidhnaanta Wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada heer ee Dawladda oo loo sameeyo nidaam iyo qaab-dhismeed ay si joogto ah ugu kulmaan uguna kala warqaataan Wasiiradda, Agaasimayaasha, Agaasimayaasha Tiifiiyada, Agaasimayaasha Raadyayaasha, kuwa maamulka iyo wixii la mid ah si loo xoojiyo iska warqabka iyo qibrad wadaagga.
  2. In lagu dhiirigeliyo Madaxda sare ee Qaranka (heer Federal iyo Dawlad Goboleed) muhiimadda wacyigelinta bulshada iyo in ay taageeraan baahinta iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo ay ku dhan yihiin dhamaan qaybaha iyo meelaha bulshada Soomaaliyeed uga baahan yihiin wacyigelin.
  3. In la magacaabo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo daraasad ku soo sameeya tirada iyo tayada Warbaahinta Dawladda ee labada heer, si loo ogaado awoodda Wasaaradaha Warfaafinta ee dhinacyada qalabka, shaqaalaha, barnaamijyada wacyigelinta ee ay sameeyaan iyo inta ay boqolkiiba gaarsiiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  4. In la sameeyo Xarun iyo Gole Wacyigelineed oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda oo soosaara barnaamijyo iyo farriimo qiimo u leh bulshada Soomaaliyeed oo si siman looga siidaayo Warbaahinta Dawladda ee heer Federaal iyo Maamul Goboleed, kana shaqeeya sidii Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku isu-dhaafsan lahaayeen khibradaha, agabka, tababarrada ay is dheer yihiin.
  5. Wasiiradu waxay fareen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha in ay si degdeg ah u dhisaan una hawlgeliyaan Xarunta wacyigelinta Qaranka, lana bilaabo soo saarista iyo gudbinta fariimo iyo barnaamijyo Wacyigelineed oo Bulshada dalka oo dhan loogu tilmaamayo muhiimada midnimada iyo wadajirka, muhiimada nabada iyo xasiloonida, la dagaalanka amni xumada iyo Argagixisada, Musuqmaasuqa, barashada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo nidaamka Doorashooyinka kala duwan ee dalka, Dib-uheshiinta, is taakuleynta iyo Dowlad-wanaaga.
  6. In lagu dhiirigeliyo Dawladaha, Hay’adaha iyo ururrada taageera warbaahinta Soomaaliya in ay kordhiyaan taageeradooda isla markaana waafajiyaan mashaariicda ay maalgalinayaan Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka. Sidoo kalena fuliyeyaasha/qandaraas qaatayaasha ka shaqeeya arrimaha Warbaahinta iyo wacyigelinta Buslahada Soomaaliyeed ku dhaqmaan Public Awareness guiding policy and principles-kii Wasiiraddu la wadeegaan shirkii 20 August 2019 ee lagu qabtay qolka shirarka ee AMISOM VIP.
  7. In la sameeyo Siyaasad ama Xeer hoosaad saldhig u noqda wada-shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee dowladda Soomaaliya oo ay ku cad yihiin arrimaha laga wada-shaqeynayo, waajibaadka dhinac kastaa leeyahay iyo joogteynta is-dhaafsiga wararka, Barnaamiyada, kulamada, tababarada iyo in aanay wax lug ah ku yeelan wacyigelinta Bulshada ee ay wadaan hawlwadeenada Wasaaradaha Warfaafinta duufaanada siyaasadeed ee marar qaar imaan kara.
  8. Wasiiradu waxay ammaaneen doorka Warbaahinta gaarka loo leeyahay, culimada, salaadiinta iyo ururadda bulshada rayidka ahi kaga jiraan ama ku leeyihiin hawlaha Wacigelinta Bulshada, waxayna ka codsadeen in ay xoojiyaan dedaalkooda xiligan ummadda Soomaaliyeed ka gudbayso amni xumada, la noolaanshaha argagixisada iyo kala qaybsanaanta soo dilootay ummadda Soomaaliyeed, kana dheeraadaan wax kasta oo dib inoo celin kara.
  9. Wasiiraddu waxay isku raaceen in shirka soo scoda ee Wasiiradda Warfaafinta ee DFS iyo Maamul Goboleedyada lagu qabto Magaaladda Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dawlad Goboleedka K/Galbeed 18 November 2019.
  10. Wasiiradu waxay u mahadceliyeen Wasiirka iyo Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska DFS sida wanaagsan ee ay u soo qorsheeyeen una soo abaabuleen shirkan ay ku kulmeen Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dowladda.
  11. Sidoo kale Wasiiraddu waxay u mahadceliyeen Dawladaha, ururada iyo hey’adaha caalamiga ah ee saaxiibada la ah Soomaaliya ee taageera Warbaahinta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta iyo bedqabka weriyaha

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close