Wararka
Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka u magacaabay Maxamed Rooble Cabdi waxaa uuna ku sheegay in uu yahay ruux aqoon iyo khibrad u leh shaqadaan:
Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyanah dowlad Goboleedka Puntland ayaa u wornaa sida tan:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.